HomeUncategorized

Qaramada Midoobey, Midawga Afrika iyo IGAD oo u digay xubno carqaladaynaya xulista baarlamaanka cusub ee Somaliya.

Muqdisho, Aug, 11 - Wakiilka xog?haya guud ee Q.M ee arrimaha Somaliya Dr. Mahiga iyo dhiggiisa Midawga Afrika

DHEGEYSO-Taliyaha saldhiga Burtinle oo soo dhoweeyey go’ankii taliska bilayska Puntland.
Daruuro colaadeed oo dul hoganaya Kismaayo. [Dhegaysi …]
Garoowe: Tirada caruurta u jiifta isbitaalka cudurada faafa oo sii kordhaysa; ololihii todobaadka tallaalka oo guul ku soo dhamaaday.

Muqdisho, Aug, 11 – Wakiilka xog?haya guud ee Q.M ee arrimaha Somaliya Dr. Mahiga iyo dhiggiisa Midawga Afrika iyo urur gobeleedka IGAD ayaa war qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen ka digay faragalin lagu hayo hawsha soo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Xubnahaan oo aan la magacaabin ayaa lagu eedeynayaa inay si toos ah faraha ugula jiraan hawsha soo xulista xubnaha baarlamaanka si ay saamayn ugu yeeshaan xubnaha cusub ee imaanaya, waxaana sidoo kale xubnahaan lagu eedeynayaa inay laaluush bixinayaan si loo keeno xubno iyaga taageersan.

Digniinta ayaa lagu sheegay in haddii xubnahani ay faha kala bixi waayaan arrintan ay la kulmi doonaan cawaaqib qallafsan iyo inaan odayaasha la aqbali doonin xubno aan buuxin shuruudihii laga rabay iyo inaan marna laga yeeli doonin inay meesha ka saaraan kaalintii haweenka ama ay soo buuxin waayaan.

Hadalkan ayaa soo baxay maalin ka dib markii odayaasha dhaqanku ku guul darraysteen inay si buuxda usoo xulaan xildhibnaanada cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya, taas oo la filayey in shalay galinkii dambe lagu dhawaaqo.

Guddiga farsamada ayaa sheegaya inay ilaa iyo hadda hayaan 184 xubnood oo ka mid 275-tii xubnood ee la sugayey mana jiro wakhti kale oo mucayan ah oo la qabtay, waxaana 10 bari oo kaliya ka dhimman tahay xilligii la filayey in la doorto madaxweynaha cusub.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

(T)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: