HomeUncategorized

Dawladda Puntland oo si diiran u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Garowe, Sept, 10 - Dawladda Puntland ayaa si diiran oo dareen leh waxay u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Maamulka degmada Gaalkacyo oo sheegay inuu wax ka qabanayo biyaha magaalada dhex fadhiya ee roobku uu keenay.
Qarax-yo Khasaare Dhimasho sababay oo ka Dhacay magaalada Muqdisho
Col. Maxamed S. Jaqanaf, ku xigeenka taliyana ciidanka bilayska oo aan ka waraysanay burcad badeed Somali ah oo lagu wareejiyey Puntland.

Garowe, Sept, 10 – Dawladda Puntland ayaa si diiran oo dareen leh waxay u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxamaan Shiikh Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa caddeeyay sida ay Puntland u soo dhawaynayso madaxwaynaha cusub ee 4-ta sano ee soo socota Soomaaliya maamuli-doona haddii-rabbi-idmo.

“Dhabtii waa nin aqoonyahan ah, waa nin aan filaayo inuu Soomaaliya ka samatabixin-karo dhibka maantay haysta, waa nin dhabtii daacad ah, waxaana rajo-wayn aan ka qabnaa Soomaaliya inuu gaarsiin-doono meel-wacan, dibna u soo celin-doono sharaftii iyo ciskii ay Soomaaliya xilliyadii hore aduunka ay ku lahaan-jirtay” sidaasina waxaa yiri madaxwayne Faroole.

Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ ayaa hadalkaan waxaa uu jeediyay xilli aan guddoonka sare ee baarlamaanku si toos ah ugu dhawaaqin cidda ku guulaysatay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahI Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: