Site icon Radio Daljir

Dawladda Puntland oo si diiran u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Garowe, Sept, 10 – Dawladda Puntland ayaa si diiran oo dareen leh waxay u soo dhawaysay madaxwaynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr C/raxamaan Shiikh Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa caddeeyay sida ay Puntland u soo dhawaynayso madaxwaynaha cusub ee 4-ta sano ee soo socota Soomaaliya maamuli-doona haddii-rabbi-idmo.

“Dhabtii waa nin aqoonyahan ah, waa nin aan filaayo inuu Soomaaliya ka samatabixin-karo dhibka maantay haysta, waa nin dhabtii daacad ah, waxaana rajo-wayn aan ka qabnaa Soomaaliya inuu gaarsiin-doono meel-wacan, dibna u soo celin-doono sharaftii iyo ciskii ay Soomaaliya xilliyadii hore aduunka ay ku lahaan-jirtay” sidaasina waxaa yiri madaxwayne Faroole.

Madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ ayaa hadalkaan waxaa uu jeediyay xilli aan guddoonka sare ee baarlamaanku si toos ah ugu dhawaaqin cidda ku guulaysatay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahI Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

Exit mobile version