HomeUncategorized

Qarax-yo Khasaare Dhimasho sababay oo ka Dhacay magaalada Muqdisho

Bacaadweyn, Maarso 09, 2016 (Daljir) —Gaari walxaha qarxa lagu soo xidhay, ayaa ku qarxay maqaaxi ku taala afaafka hore ee xerada gaadiidka bolice-la degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

XULASHADA DALJIR | AYAANLE CABDULAAHI JAAMAC | GAALKACYO 16-MARCH-2022
AMISOM:Waxan u nimad in Somalia Aan ka xoreynno Al-shabaab
M/weyne Geelle oo dalkiisa dib ugu laabtay kaddib booqasho uu ku tagay Muqdisho.
 
Bacaadweyn, Maarso 09, 2016 (Daljir) —Gaari walxaha qarxa lagu soo xidhay, ayaa ku qarxay maqaaxi ku taala afaafka hore ee xerada gaadiidka bolice-la degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.
 
Qaraxan ayaa sababay dhimashada 3-ruux oo ka tirsan bolice-ka Somalia iyo dad rayid ah oo dhawaac soo gaadhay, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha qaybta bolice-ka gobolka Banaadir, Cali Xersi Barre “Gaab”.
 
“Saddex sarkaal ayaa ku dhintay qaraxa, waxaana daawacmay dad kale oo shacab ah” ayuu yiri.
 
Taliye Gaab ayaa tibaaxay in gacanta ku hayaan darawalkii waday gaari, isagoo dhaawaca, isla markaana baadhitaan ku samayn doonan.
 
Docda kalle, ciidamada Nabad Sugida ayaa gacanta ku dhigay rag doonaya inay fuliyaan weerar is-miidaamina, iyadoona uu qarxay Mooto Bajaaj ah oo ay wateen.
 
Ma jirto cid sheegatay qaraxa ka dhacay maqaaxida, balse warbaahinta ku hadahsha af Al-shabab ayaa sheegay inay muujinayaan fashil ku yimid iskuday lagu doonayay in lagu khalkhaliyo amaanka Muqdishu.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: