
Moqdisho, Sept, 10 – Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud ayaa tartan dheer kaddib waxaa loo doortay? madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudada 4-ta sanno ah ee soo socota.
Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayaa tartankii ugu dambeeyay waxaa uu ka guulaystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo wareegii 2-aad noqday murashaxii ugu codka badnaa tartamayaasha.
Natiijada codadka doorashada madaxwaynaha Soomaaliya ayaa waxay u dhacday si nabad-galyo ah oo xallaal ah, waxaana tirada natiijada codadka uu ku guulaystay Xassan Shiikh Maxamuud ay gaarayeen 109 cod, halka Shariif Shiikh Axmedna uu helay 70 cod.
Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN