HomeUncategorized

Dawlada Puntland oo sheegtay inay dileen 3 ka tirsanaa al-shabaab.

Garoowe, Jan 4, Ciidamada Daraawiishta Puntland ee kusugan gobolka Bari ayaa toogasho ku diley 3 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ee gobolka Bari.

DHEGEYSO-Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Alshabaab Dalka laga saarayo.
Xariir M. Cabdulle oo loo magacaabay Gudd. gobolka Cayn, iyo Xuseen Dacwi, Duqa magaalada Buuhoodle. [Dhegaysi …]
DHEEGYSO-Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kusoo laabtay kana hadlay arrimo badan.

?

Garoowe, Jan 4, Ciidamada Daraawiishta Puntland ee kusugan gobolka Bari ayaa toogasho ku diley 3 ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis ee gobolka Bari.
?
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ayaa lagu sheegay inay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland iyadoo ciidamaduna iska difaaceen,” Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab/Al Qaeda habeenkii Jan. 3, 2013, iyadoo Ciidamada Puntland ay dileen 3-nin ayna dhaawaceen 5-kale oo ka tirsanaa kooxdii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka kasoo baxay Puntland.
?
Dawlada Puntland waxay sheegtay in hal askari uga dhintay weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadka Al-shabaab,” Hal askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Puntland ayaa ku shahiiday weerarkaasi gardaradda ahaa.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Wasaaradda amniga Puntland.
?
Sidoo kale Warsaxaafadeedka ay soo saartay Wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland qabteen nin ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab kaasoo la tilmaamay in la qabtay isagoo dhulka ku duugaya Bumbadda lidka dadka.
?
Puntland waxay sheegtay in argagixisadda Al-shabaab ay taageero dhaqaale ka helaan lacagaha madaxfurasho ee ay qaataan Kooxaha Burcad-badeedda, Dawladu waxay intaasi ku dartay in xiriir joogto ahi ka dhexeeyo Burcad-badeeda iyo Kooxda Al-shabaab.
?
Kooxda Al-shabaab oo ku dhuumaalaysta buuraha Golis ee gobolka Bari ayaa dhawr mar weerar kusoo qaaday ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka Bari, Waxaana dhowaan Miino dhulka lagu aasay ku dhintay askar katirsan ciidamada Daraawiishta ee dawlada Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: