Fannaanka Soomaaliyeed ee Farxaan Xidig oo fanaaniinta qurbaha ku nool ugu baaqay inay dalka yimaadaan.

Gaalkacyo, Jan, 04- Heesaaga Soomaaliyeed ee Farxaan xidig oo ka mida ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool hase ahaatee dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa qurba joogta Soomaaliyeed ugu baaqay kuna booriyay inay dalka ku soo laabtaan oo ay ka qayb qaataan hormarinta iyo dib u soo celinta qaranimada Soomaaliyeed.


Fannaankan ayaa isagoo jooga magaalada Muqdisho mar uu la hadlay daljir waxaa uu sheegay inuu wadey tan iyo markii uu soo gaaray dalka oloole uu qurba joogta ku boorinayo inay dalka ku soo laabtaan.


” Waxaan xalay taleefoon kula hadlayay heesaaga Axmed Cali Cigaal oo ka mid ahaa hoboladii Waabari xiligii bari samaadka, waxaan ku iri war axmadaw dalka imoow anigaba hada caasimaddii baana kaala hadlayaaye”, Ayuu yiri Farxaan Xidig.


Magaalada Muqdisho waxaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay soo gaarayay dibad jooga Soomaaliyeed kuwaasoo dalka ka maqnaa dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay duruufo amni,dhaqaale iyo arimo kale oo ku khasbayay inay dibadda ku noolaadaan.


Farxaan Xidig ayaa gabagabadii sheegay inuu jecelyahay inuu dhawaan yimaado Puntland, isla markaana uu si weyn ugu faraxsan yahay inuu booqdo meel ka mida dalkiisa hooyo.

Diiwaanka Wararka daljir

Muqdisho

(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com