Burcad badeeda Somalidu waxay afduubeen 7markab oo kaliya sanadkii 2012 sidaasi waxaa lagu sheegay war bixin dhowaan lagu qoray Boga usatoday.com

Gaalkacyo, Jan, 04- Burcad badeeda somalida ayey sanadkii dhamaaday ee 2012 waxaa u suurta gashay in ay afduubtaan 7 markab oo kaliya halka sanadkii 2010 ay qafaasheen 44 markab waxaana hoos udhacan baahsan lagu sababeeyey qodobo ay kamid yihiin
?

  • Maraakiibta oo haatan qaadata ilaalo hubaysan
  • Dadaalada caalamiga ah ee beesha caalamku ka fulisay biyo badeedka Somalia
  • Cadaadis budhcad badeeda laga saaray gudaha Somalia


Dhinca kale warbixinta ayaa lagu sheegay in burcad badeedu ay haatan haystaan 5 markab iyo 136 lahaystayaal ah

Burcad badeeda Soomaalida oo mudo sanado ah qaati looga taagnaa argagaxa ay ka fuliyaan biyo badeedka geeska Africa ayaa haatan u muuqata mid wakhtigeedii gabaabsi yahay

Sanadkii tagay ee 2012 burcad badeeda waxaa u suurta gashay in qafaashaan 7 markab oo kaliya halka sanadkii 2010 ay qabsadeen 44 markab sida lagu sheegay warbixin ay dhowaan soo saareen ciidamada isku dhafka ah ee gacanta ku haya ilaalada biyo badeedka Soomaliya iyo gacanka cadmeed

Dhinaca kale gaashaan buurta NATO ayaa sheegtay in burcad badeeda gacanka cadmeed oo ah marinka ay adeegsadaan maraakiibta ugu badan ee shidaalka dunida u kala qaada ay haatan marayso meeshii ugu hoosaysay tan iyo sanadii 2008.

?Saraakiisha ciidamada kala gedisan ee bada jooga ayaa ka digaya in aan lays dhigan waxaana ay tilmaamayaan in inkastoo budhcad badeeda awoodooda lawiiqay hadana aan si dhmaystiran loo jabin oo aan laga rayn.

?Intaad iska nasatid ma oran kartid burcad badeed waa ay dhamaatay haatan? ayuu yiri Cornel Carolyn Jones afhayeenka ciidamada kala gedisan ee bada gacanka cadmeed iyo bada soomaliya ku sugan ?

Sanadii 2011 burcad badeedu waxay qaadeen 196 weerar oo aan lagu guulaysan waxaan ay qabsadeen 24 markab oo kaliya iyadoo guul darada weerarada burcad badeedu ay u sabab ahayd maraakiibta oo qaatay ilaalo hubaysan

Tan iyo bilowgii mawjadaha burcad badeednimada ay biloowdeen waxaa jiray falal dhacay oo dunida oo dhan laga ogaaday tusaale ahaan bishii April sanadii 2009 ciidamada qoryaha diirada leh isticmaale ee Maraykanka ayaa toogasho ku dilay 3 burcad badeeda ah kuwaasi oo haystay Captainka markab maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Maerska Alabama kaasi oo xamuul siday

Bishii February sanada 2011, 4qof oo American ah ayey burcad badeed Somali ah kala dageen dooni dalxiis oo ay wateen deedna waa y dileen

Maaha in weerarada lagu guulyasto oo kaliya ay hoos u dheceen ee xitaa waxaa hoos udhacay kuwa aan lagu guulaysan taasi oo tilmaamaysa in budhcad badeedu ay haatan garowsadeen in halista ay bada kala kulmayaan aanay istaahilin dadaalka ay bixinayaan, waxana garowsiiyahaasi ka marag kacaya sanadkii 2012, 36 weerar oo kaliya ayey budhcadu qaadeen halka sanadkii 2010 ay qaadeen 189 weerar.

Marinka Bab El Mandab oo u dhexeeya bada cas io gacanka cadmeed maalin kasta waxaa mara 3.4 million oo fuusto oo shidaal ah oo ay qaadaan maraakiib kala gedisan shidaal kaasi intiisa badan taga Maraykanka Midowga yurub iyo Asia sida ay sheegtay hayada maamulka tamarta ee maraykanka.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee maraakiibta iska leh ayaa bilaabay in ay qaataan ilaalo gaar ah oo hubaysan waxay sidoo kale sameeyaan qolal amaan ah oo markaabta dhexdooda? kuyaala oo ay shaqaaluhu isku soo xiri karaan tan iyo inta ay caawinaad uga imanayso haseyeshee qaar kamid ah dadka wax falan qeeya ayaa walaac kamuujiyey in ilaladaasi gaar ah laftigeeda ay halis ka dhalan karto

Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo tilmaamaya in ilaaladaasi qaybtood ay ku khaldamen kaluumaysato somaliyeed oo ay burcad badeed umaleeyeen

Dhinaca kale rajada Soomaliya ayaa soo hagaagaysay tan iyo aas aaskii dawlada cusub ee Somalia taasi oo ku dadalaysa in ay amaanka dalka soo celiso.
?

Diiwaanka Wararka

Radio daljir

(S).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com