HomeUncategorized

Danjire Micheal Keating oo digniin kulul u diray Puntland iyo Galmudug.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa ugu baaqaylabada dhinac ee Puntland & Galmudug in ay si deg deg ah ku hirgalayaan qodobada heshiiska,Gaalkacyo.

(Sawirro)Kooxda Comsed oo cashar lama ilaawaana u dhigtay Dawladda hoose.
M/weyne Faroole oo la kulmay wasiirada arrimaha Afrika & horumarinta ee dalka Britain
Dagaallo maanta ka dhacay bariga Laascaanood iyo dhinacyada oo haatan ku jira is abaabul

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Keating ayaa ugu baaqaylabada dhinac ee Puntland & Galmudug in ay si deg deg ah ku hirgalayaan qodobada heshiiska.

“Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha maamulka Galmudug waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Mcheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtami doono dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 6 dii isbuucii ee lasoo dhaafay, dagaaladaasi oo ku dhinteen tiro ka badan 45 qof.

Danjire Mcheal Keating ayaa uga digay Puntland iyo Galmudug in ay hareermaraan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisulwasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 

“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta”  Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.

Dagaaladii  6dii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 45 qof , waxaana sidoo kale ku barakacay 90,000  kun oo qof , kuwaa soo hada ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: