M/weyne Faroole oo la kulmay wasiirada arrimaha Afrika & horumarinta ee dalka Britain

London, Oct 17 – Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqasho ku jooga magaalada London ee dalka UK ayaa ka kooban Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamad Rage, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Cabdulqadir Cabdi Xashi iyo Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Maxamad Xasan Barre.

Wafdiga ayaa soo gaaray London subaxnimadii maalinta Axada, waxaana madaarka dayuuradaha kusoo dhaweeyey saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada (Foreign & Commonwealth Office – FCO) waxaana loo galbiyay VIP-da madaarka.

Maalintii Isniinta ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa xafiiskiisa ku yaala xarunta FCO ku qaabilay Wasiirka arrimaha Africa, Henry Bellingham iyo Wasiirka Arrimaha Horumarinta Stephen O’Brien, iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid yihiin socodsiinta heshiiskii Roadmap-ka, arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo horumarinta dalka, iyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeeda.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa u balansan Xildhibaano Baarlamaanka dalka UK, saraakiisha European Union-ka u qaabilsan la dagaalanka burcad-badeeda iyo khuburro dhanka arrimaha horumarinta.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa khudbo ka jeedin doona Shirka Combating Piracy Week, iyadoo uu kaga hadli doono doorka Dowladda Puntland ee la dagaalanka burcad-badeeda.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com