Dalladda SOMA oo Cadaado Tababar uga Furtay Qaar kamid ah Wariyaasha Somaliyeed

HomeWararka

Dalladda SOMA oo Cadaado Tababar uga Furtay Qaar kamid ah Wariyaasha Somaliyeed

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association) ee SOMA ayaa maanta waxa uu magaalada Cadaado oo xarun KMG ah maamulka Galmudug ka furay

Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha ee Dowlada fadaraalka Soomaaliya oo dib u eegis ku samayanysa Wakiilada (dhegayso)
Axmed Madoobe: “Xildhibaanada faderaalka hatagaan deegaanada laga soo doortay” (sawiro)
Iskuulada iyo Jaamacadaha Bosaaso oo maanta lafuray (dhegayso)

Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association) ee SOMA ayaa maanta waxa uu magaalada Cadaado oo xarun KMG ah maamulka Galmudug ka furay Tababar ku saabsan Bedqabka Suxufiyiinta.

Tababarkan oo ay ka qeyb galayaan suxufiyiin ka kala socota 12 Idaacadood oo ku kla yaalla Gaalkacayo, Guriceel , Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Maamulka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Xildhibaan Cabdullahi Cumar oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Galmudug Cabdiraxmaan jaamac Afrax.

Wasiir ku xigeenka oo Tababarkan furay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Siminaarkan.

Wuxuu kaloo Wasiir ku xigeenka uu ururka SOMA ugu baaqay in dhamaan magaalooyinka Galmudug ay ku qabtaan Tababarkan Bedqabka Suxufiyiinta.

Tababarkan oo socnaya 3 maalmood ayaa gaba gabadiisa waxaa Wariyeyaasha ka qeyb galay la gudoonsiindoonaa shahaadooyin muujinaya waxyaabihii ay barteen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: