Dowladda Ugandha oo Ciidamadeeda Somaaliya Kajooga u Magacwaday Taliye Cusub

Dowladda Uganda ayaa dib u soo magacaawday Taliyihii hore ee guutada 2aad ee Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya,waxaana markan uu xilkiisa yahay Taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ka jooga Soomaaliya.

Paul Lokech,ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya,waxaana lagu beddelay Muhanga Kayanja, oo xilkaas hayay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca iyo Ciidanka Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in booskii Paul Lokech, ee ahaa Taliyaha Ciidanka Galbeed ee Uganda uu sii heynayo ku xigeenkiisii Fred Kalala.

“Ma jiro qof loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Galbeed ee Uganda,waxaa jira in ku xigeenkiisa uu si KMG ah u siiheyn doono inta Taliye kale looga soo magacaabayo “ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Uganda.

Paul Lokech, oo ku soo tababartay Dalka Ruushka waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii ugu horreeyay ee Al-shabaab kula dagaallamay Muqdosho markii Ciidanka Uganda ay soo galeen Soomaaliya 2007dii.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com