Dalka Qatar oo lagu qabtay shir looga hadlayo Arrimaha Somaaliya

Dalka Qatar oo lagu qabtay shir looga hadlayo Arrimaha Somaaliya

Magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta Shir uga furmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC.

Shirweyanahaan oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyey ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya,waxaana Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar ay shaacisay qodobada ugu muyhiimsan ee shirkaasi looga hadli doono.

Wasaaradda ayaa qodobada waxaa ay ku sheegtay Arrimo ay kamid yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya,sidii loo kordhin lahaa taageerada ay dalalka Islaamka siiyaan Dowladda Federaalka si ay u xoojiyaan deganaashaha iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wargeyska Al-Sharq ee kasoo baxa dalka Qatar ayaa qoray in dowladda Qatar ay dhamaan casuumaad u dirtay Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Ururka Iskaagiga Islaamka, isla markaana kulankooda ay diirada ku saari doonaan fatahaadii ugu dambeysay ee ka dhacday Soomaaliya.

Kooxda isku-xirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa la Aas’aasay Bishii December ee sanadkii 2007,waxaana shirkoodii ugu horeeyey ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen 27kii Bishii Octoober ee sanadkii 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalma ka hor waxaa uu ku baaqay in Soomaaliya laga soo taageero wax u qabashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiyada sigaar ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com