Dowladaha Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis kala saxiixday

Dowladaha Somaaliya iyo Turkiga oo Heshiis kala saxiixday

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ahaa Wafdiga Dawladda Soomaaliya ee magaalada Ankara uga qaybgalay Shirka Iskaashiga Xiriirka Dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga dalka Turkiga Marwo Ruhsar Pekcan.

Intii kulanku socday waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa Iskaashiga Ganacsi iyo Maalgashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray heshiiska Iskaashiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga , sidii Turkigu u taageeri lahaa Hay’adda Tayyo dhowrka Badeecada Soomaaliya iyo Warshadayn Dalka Soomaaliya lagu sameeyo, taasi oo kor u qaadi doonta koboca dhaqaalle ee Dalkeena.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Ganacisga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank , oo ah Nin Xog-Ogaal u ah xaaladda Soomaaliya, kana mid ahaa wafdigii Turkiga ee sanadkii 2011 yimid Soomaaliya, isagoo xiligaasi la taliye u ahaa Ra’iisul Wasaarihii Turkiga, hadana ah Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan.

Mudane Cabdullaahi Cali Xasan ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay khayraad badan, oo ay ka midyihiin Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha ,waxaana laga hadlay sidii ganacsatada dalka Turkiga ay u maal gashan lahaayeen Soomaaliya.

Wasiirka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda Dalka Turkiga Mustafa Varank ayaa xusay inay Soomaaliya garab taagan yihiin, islamarkaana ay gacan siin doonaan tababarada Warshadaha iyo Waayo-aragnimada Tiknoolajiyadda.

Wasiirka waxaa kulamada ku weheliyey mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga iyo u Qaybsamaha Ganacsiga ee Safaaradda Mudane Maxamed Aadan Daahir.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com