HomeUncategorized

Dagaallo Xoogan oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo saansaanta guluf militeri oo laga dareemayo koonfurta Soomaliya.

Mogadishu,Feb 19 -Dagaallo xoogan oo sababsaday khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenkii xalay ka dhacay deegmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

DHEGEYSO-Khudbaddii Madaxweyne Gaas ka jeediyey furitaankii kalfadhiga barlamaanka.
Dagaal xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh gaystay oo ka dhacay deegaanka Qoriley, gobolka Cayn.
Gudoomiyaha barlamaanka oo lakulmay gudiga hirgelinta doorashada dadban.

Mogadishu,Feb 19 -Dagaallo xoogan oo sababsaday khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa habeenkii xalay ka dhacay deegmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa iyo Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ay weerareen fariisimaha ay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ku leeyihiin degmooyin ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa saaka ah mid degan,inkastoo aan wali la shaacin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu dagaalkan dhaliyay.

Dhanka kale wararka laga helaayo gobolada Bay iyo Gedo ayaa ku waramaya in guluf militari oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwo dowladda Itoobiya laga dareemayo deegaanada goboladaasi,kadib markii ay ciidamada labadaasi dowladood ay u jihaysteen deegaano ka mid ah gobolka Baay oo ay maamulaan ururka Al-Shabaab.

Diyaaradaha Helicoptrka ah oo ku duulaya jawi hoose ayaa lagu arkayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: