HomeUncategorized

Dagaal xooggan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh gaystay oo ka dhacay deegaanka Qoriley, gobolka Cayn.

Caption ...

“Rajada Soomaaliya waxay ku xiran tahay, Allihii na uuntay ka sakoow, Soomaali waxay fiirsaneysaa oo ka war dhawreysaa R/wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas? xil. Seeko.
Qardho: Dareenka iyo jawiga goobaha codaynta Qardho ee saakay
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland oo Sheegay in cadaaladda uu xooga saari doono

Buuhoodle, Jan 26 – Dagaal qadar saacado ah socday oo aad u adag ayaa ku dhex maray deegaanka Qoriley ee agagaarka magaalada Buuhoodle ciidanka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Qoriley ayaa dhacda masaafo ahaan 20km dhanka waqooyi ee magaalada Buuhoodle.

Inta la xaqiijiyey, dhinaca ciidanka deegaanka, ayaa waxaa ku dhintay dagaalka 5 qof, halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen, laguna dawaunayo cisbitaalka guud ee magaalada Buuhoodle.

Dhinaca Somaliland ayaa la sheegay in 4 askari ay kaga dhinteen dagaalka, halka tobaneeyo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Ciidanka deegaanka ayaa gaadiid dagaal ka qabsaday ciidanka Somaliland, laguna soo bandhigay magaalada Buuhoodle; sidoo kalena gubay qaar ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Labada ciidan ayaa in dhawaale isku hor-fadhiyey deegaanka Sool-joogto ee kulaala magaalada Buuhoodle.

Waxaa hadda ku sugan magaalada Buuhoodle wafti ay hogaaminayaan madaxda maamulka Khaatumo ee dhawaan lagu dhisay Taleex, Sool.

Khadar Cawl, Agaasimaha idaacada Daljir ee Buuhoodle, ayaa warkan ka diyaariyey dagaalka.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: