Ciidamada deegaanka Buuhoodle oo guulo ka sheegtay dagaalkii shalay kadhacay Qoriley

Buhodle,Jan 27 -Taliye kuxigeenka gobolka Cayn C/raxmaan C/laahi Axmed oo isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka waraysi siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda deegaanka Qoriley oo galinkii dambe ee shalay uu ka dhacay,dagaal dhexmaray ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle.

“Xaaladda saaka wali xabad ma bilaaban,jawiga waxaa uu u egyahay mid dagaal,aagii dagaalka uu ka dhacay ciidamada gobolka Cayn ayaa ku firirsan oo aad u jooga”ayuu yiri taliye kuxigeenka ciidamada deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn.

“Rugaha aan ku ognahay ciidamada Somaliland waxaa ka mid ah Wandhalaalax Maygaagle iyo meelaha ku dhow Qorilugud” ayuu yiri mar la waydiiyay halka ay ku suganyihiin ciidamada Somaliland ee dagaalka ay la galayn.

Taliye kuxigeenka ciidanka deegaanka Buuhoodle ee gobolka Cayn ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan khasaaro xoogan oo dagaalka kasoo gaaray ciidamada Somaliland.

“inagu tiro koobka lama uruurin,saaka ayay ahayd qolyaha saxaafadda iyo dad badan inay dhulka tagaan oo maraan waayo gabalka ayaa dagaalka ku dhacay,laakiin marka la fiiriyo dadka indhihiisa wax ku arkay waxaa la’oran karaan halkaan dagaalka jiidda uu ka dhacay ama gaadiid gubtay ha noqoto ama kuwo la qabsaday ha noqoto ama dhimasho lagaga tagay ha noqoto,tiradoodu kolayn deegaankan dadka ka dhintay ama ka shahiiday way ka badanyihiin laba laab ciidanka Somaliland”

Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku wajahan dagaalka shalay ka dhacay gobolka Cayn.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com