HomeUncategorized

“Rajada Soomaaliya waxay ku xiran tahay, Allihii na uuntay ka sakoow, Soomaali waxay fiirsaneysaa oo ka war dhawreysaa R/wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas? xil. Seeko.

Caption ...

Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Galkacyo kadib dagaalkii shalay.
Isu-duwaha wasaarada haweenka & arrimaha qoyska ee gobolka Sanaag oo ku baaqday gargaar deg deg ah oo loo fidiyo dadka & duunyada ay abaaruhu saameeyeen.
Midowga Afrika oo ka shiraya Al-shabaab iyo Boko-Haram

Moqdisho, 12, July, Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley ansixiyay nuxurka qodobadii kasoo baxey shirkii Kambala, waxaana soo xaadirey fadhigaasi 436 mudane, waxaa ansixiyay 393 mudane, 36-na wey diideen, halka ay kaa aamuseen 7 mudane.

Md Cali Maxamuud Faarax (Seeko) ayaa si weyn u dhaliiley gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana uu tilmaamey inuu majaro habaabiyay masiirka baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana mudo 4 bilood ah uu wareegayay dalka dibadiisa.

Md Seeko, ayaa dhinca kale si weyn u dhaliiley habusocodka siyaasada, Shiikh Shariif & Shariif Xasan, waxaana uu cuskadey in wax lala yaabo ay tahay khilaafka la sheegey inuu u dhaxeeyo, Md Farmaajo iyo Baarlamaanka, taasina ay u muuqato in afhayeenka baarlamaanku isticmaalayo awood uusan laheyn, sharicigana uu baarmarey.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax ayaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqey, DFKS ee xiligaan jirta ineysan aheyn mid hoggaan u noqon karta dadka Soomaaliyeed, isla markaana dadku ubaahan yihiin hoggaan daacad ah, oo nidaamka kumeel-gaarka ka saari kara dadka Soomaaliyeed.

Cali Maxamuud Faarax ayaa sheegey, ina rajada ummada Soomaaliyeed ay ku xirantahay Allihii na uuntey, kasakoow rajadu ay hoos imaaneyso reysal-wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana uu tilmaamey xildhibaanku, in loo baahan-yahay in reysal-wasaare C/wali uu u madax-banaanaado cida uu magacaabayo, balse uusan ku shaqeynin rabitaanka iyo fikrika madaxweyne Shiikh Shariif & Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Maxamed C/laahi Cali
Kooshin Daljir Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: