HomeUncategorized

Rugta Ganacsiga & culimada diinta ee Puntland oo wada olole agab dhaqaale loogu ururinayo dadkii ku cayroobay dabkii suuqa Bossaso

Caption ...

R/wasaare Gaas oo isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wasiiru dawlayaal cusubna magacaabay.
Dawladda Puntland & waxgaradkeeda oo ku hawlan xallinta xiisaddii ka dhalatay koontaroolka Cagaaran. [Akhris …]
Mudane Dirir ?Wefdiyo siyaasaddeed ma qaabili karno inta gurmadka masiibadu socoto? (Dhegeyso)

Bosaso,Feb 19 -Rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland ayaa sheegtay inay meel wanaagsan ay marayso howlo lacago loo uruurinayo dadkii ku ceyroobay dabkii ka kacay suuqa wayn ee magaalada Boosaaso horaantii bishii December ee sanadkii 2011kii.

Gudoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Puntland Maxamed Caydiid Jaamac oo maanta u waramay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay rugtooda oo kaashanaysa culimaa’udiinka Puntland inay kulamo kale duwan ay la qaateen howlwadeenada shirkadaha ganacsiga inay kusoo aruuriyeen lixdan kun oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaa uu sheegay lacagahan inaysan ahayn mid kabi karta baahida dadkii ku ceyroobay dabkii baabi’iyay suuqii waynaa ee magaalada Boosaaso,oo ay rugta ganacsigu ku qiimaysay 15-Milyan oo doolar.

Gudoomiyaha ayaa xusay inay jiraan balanqaadyo ay ka heleen shirkadaha ganacsiga ee Puntland iyo jaaliyadaha dibadda ayna rajaynayaan marka ay soo gaarto lacagaha loo balanqaaday inay gaarsiin doonaan dadkii loogu talla galay,iyadoo muhiimdda lacag bixintuna ay tahay mid ku salaysnaan doonto sida ay dadkii ceyroobay u kala baahi badanyihiin.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: