R/wasaare Gaas oo isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wasiiru dawlayaal cusubna magacaabay.

Mogadishu,Jan 27 – R/Wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” ayaa isku shaandheen kooban ku sameeyay wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal katirsan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Warsxafadeed kasoo baxay R/wasaaraha ayaa lagu sheegay wasiiro xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha la magacaabay inuu ansixiyay madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad,waxaana 14-ka wasiiru-dowlayaal ee la magacaabay iyo wasiir kuxigeeno cusub oo ahaa afar xubnood ay kala yihiin sidaan.

1 Mudane C/kariim Cabdi Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Madaxweyna.

2 Mudane Cali Nuur Ducaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xafiiska Ra?isul wasaaraha.

3 Mudane Cabdi Cali Xuseen waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

4 Mudane Ibraahiim Suleeymaan Xaaji Nuur, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga.

5 Mudane Axmed Xasan Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga qeyraadka Badda iyo Bay?adda.

6 Mudane Axmed C/llaahi Xuseen {Fanax] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta.

7 Mudane Max?ed Cumar Max?ud, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka.

8 Mudane Xirsi Aadan Rooble waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda beeraha iyo xanaadada Xoolaha.

9 Mudane C/qaadir Maxamed Barre, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sarre.

10 Mudane Axmed Maxamuud Axmed, {Yaaqshiid}, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha xiriirka Baarlamanka iyo xukuumadda.

11 Marwo Luul Cabdi Aadan, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska.

12 Mudane C/llaahi Sheekh Cali [Qaloocoow] waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada Dhalinyarada iyo isboortiga.

13 Mudane Xasan Maxamuud Jimcaale, waxaa loo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.

14 Mudane Macalin Cali Aadan Cabdi waxaa loo magacaalay wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Tamarta.

15 Mudane C/kariim Xaaji Cabdi [Buux] waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta.

16 Mudane C/nuur Sheekh Ibraahin Rooble waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada.

17 Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

18 Marwo Muna Ibraahim Abiikar, waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com