Dad ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay dalka Ciraaq

HomeWararka

Dad ku dhintay dibadbaxyo ka dhacay dalka Ciraaq

Uguyaraan 60 ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay dalka Ciraaq . Milateriga ayaa sheegay in shiishyahanno aanan la

Ra’iisul Wasaare Xasan C Khayre oo Hay’adaha Dowladda Ku Amray Isticmaalka Af-soomaaliga
Gormu furmaya waddahadaladi dowladda Itoobiya & Kooxda TPLF ?
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Uguyaraan 60 ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay dalka Ciraaq .
Milateriga ayaa sheegay in shiishyahanno aanan la ogaan ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo Boolis ah.

Ra’iisul Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay in “dalabaadka saxda ah” ee dibadbaxayaasha la maqlay, balse waxa uu dalbaday in la isdajiyo.

Dibadbaxyada aanan la sii qorshayn ayaa waxa ay bilowdeen Talaadadii xilli uu aad sare ugu kacay walwalka ka taagan shaqa la’aanta heerka sare ah ee haysata dhalinyada, adeegyada bulshada ee aadka u liita iyo musuq maasuqa dalkaasi ka hareeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: