Gormu furmaya waddahadaladi dowladda Itoobiya & Kooxda TPLF ?

HomeWararka

Gormu furmaya waddahadaladi dowladda Itoobiya & Kooxda TPLF ?

Masuul ka tirsan dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu qorsheeyey in wadahadalada u dhexeeya dawladda Ethiopia iyo kooxda Tigray

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo gaaray deegaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.
Wacaal Daray ah: Qarax ismidaamin ah oo kadhacay Boosaaso
Tababarihii Xulka kubadda cagta Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

Masuul ka tirsan dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ururka Midawga Afrika uu qorsheeyey in wadahadalada u dhexeeya dawladda Ethiopia iyo kooxda Tigray-gu inay ka dhacaan Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda, taasoo la doonayo in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay gobolkaas.

Warkan oo laga soo xigtay Ridwan Hussein oo ah la taliyaha amniga qaranka ee ra’iisal wasaaraha Ethiopia, ayaa ku soo beegmaya, maalmo uun ka dib markii dawladda federaalka ee Ethiopia ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen saddex magaalo oo istaraateji ah oo ku yaalla gobolka Tigray, sida magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolkaas.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa diblomaasiyiintu ay ku boorrinayeen dawladda Ethiopia iyo ciidamada Tigrayga inay isla meeldhigaan xabbad joojin degdeg ah, iyada oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu Isniintii ka digay xaaladda ka jirta woqooyiga Ethiopia isaga oo ku tilmaamay “in xaaladdu ay faraha ka sii baxayso”.

Horraantii bishan waxaa guul daraystay wadahadalo nabadeed oo uu gadhwadeen ka yahay Midawga Afrika, kaas oo la filayey inay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, hase ahaatee labada dhinac ayaa ku heshiin waayay arrimo ay ka mid yihiin dhinaca saadka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: