Daahir Geele: ”Farmaajo Maanta wuxuu ku fashilmay kulan Mudo kordhin lagu samayn lahaa”

HomeWararka

Daahir Geele: ”Farmaajo Maanta wuxuu ku fashilmay kulan Mudo kordhin lagu samayn lahaa”

Afhayeenka Midowga Musharixiina Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ee baaqday uu ahaa abaabul ka yimid Madaxwey

Ciidamada Booliska Gaalkacyo oo howlgal ku soo qabtay Khamri (Daawo)
Madaxweyne Lafta-gareen oo Baydhabo ku laabtay (Sawiro)
Boqor Burhaan oo lagu soo dhaweyeey Garacad (Sawiro)

Afhayeenka Midowga Musharixiina Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka ee baaqday uu ahaa abaabul ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Musharax Daahir Geelle oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho waxaa uu sheegay in kulankii baaqday ee Maanta ee Golaha Shacabka sidoo kale la doonayay in sharciga dalka lagu jebiyo dadkana la iska horkeeno iyo muddo kordhin, taasina ay kasoo horjeedaan, isla markaana cambaareeynayaan.

Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Midowga Musharixiinta ay doonayaan deganaansho iyo heshiis, balse Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si kale oo dhibaato iyo iska horkeen ah uu dalka ku wado.

Midowga Musharixiinta madaxweynaha ayaa dhowr jeer waxaa ay uga digeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu sameeyo qorsho muddo kordhin ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: