Kulankii Barlamaanka Soomaaliya ee Maanta oo Buuq ku soo dhamaaday

HomeWararka

Kulankii Barlamaanka Soomaaliya ee Maanta oo Buuq ku soo dhamaaday

Fadhigii Baarlamaanka ee shakiga dhaliyay ayaa Maanta lagu kala dareeray, kaddib buuq iyo jahwareer hareeyay fadhiga. Xildhibaannada Golaha Shaca

QM oo sheegtay inay bilabmayaa wadahadallada Somaaliya iyo Somaliland
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray dalka Koonfur Afrika (Daawo)

Fadhigii Baarlamaanka ee shakiga dhaliyay ayaa Maanta lagu kala dareeray, kaddib buuq iyo jahwareer hareeyay fadhiga.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ah ayaa is hortaagay shirka inuu furmo, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka inuu waday qorshe muddo kordhin ah.

Buuq iyo jahwareerka kaddib ayaa keenay inuu shirku fashilmo, waxaana Xildhibaanada qaar ay ka hor yimaadeen inay saxiixaan warqada kooramka Baarlamaanka ee Xildhibaanada soo xaadira.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaannada qaar ay diidanaayeen shirkan oo shaki badan laga qabay inuu ku hoos qarsoonaa muddo kordhin.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada is hortaagga sameeyay in la soo qoro, si tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeer hoosaadka looga qaado.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: