Daad xoogan oo xalay ku soo romadagay magaalada qardho iyo Khasaaraha ka dhashay

HomeWararka

Daad xoogan oo xalay ku soo romadagay magaalada qardho iyo Khasaaraha ka dhashay

Khasaare hantiyeed oo aan yaray ayaa ka dhashay daadad lixaadle oo ku soo rogmaday xaafado ka mid ah magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar. D

Dagaalka Xeraale: “Waxaa la Kala Taabacsanyahay Cadaado iyo Dhuusamareeb” (dhegayso)
Galmudug: Boolisku waa Qashin-xaaqaha Bulshada, Waraysi Taliyaha Qaybta G. Mudug Maxamed Nuur Cali
Waraysi: Sidee ayay u dhacday doorashadii Cabdirashiid Xiddig ee garabka mucaaradka Kismaayo (dhegayso)?

Khasaare hantiyeed oo aan yaray ayaa ka dhashay daadad lixaadle oo ku soo rogmaday xaafado ka mid ah magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Daadkaan ayaa ka dhashay roobab mahigaan ah oo ka da’ay galbeed gobolka Karkaar, siiba dhulka Sool ah ee u dhaxeeya Haylaan iyo Karkaar.

Ma jiro illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay daadkaasi, marka laga reebo hal qof oo la tawsanyahay maqnaantiisa sida madaxda dawladdu ay sheegeen.

Guryo, goobo ganacsi iyo suuqyada qaar ayaa ku burburay biyaha soo rogmaday, waxaana hadda socda dadaallo gurmad oo samatabixin ah.

Fiidnimadii xalay illaa waaberigii saaka ayuu soo gaaray daadku, haatanse waa uu joogsaday inkastoo saadaashu tilmaamayso suuragalnimada roob xooggan oo deegaanka ka da’a.

Sannadkii 2020 ayay ahayd markii sidaan oo kale daadad u jibaaxeen xaafado ka mid ah magaalada Qardho, daadkaasi oo galaftay nolosha dad, duunyo, guryo, iyo hanti badan oo ganacsiba.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: