Gudoomiyaha G. Banaadir ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo shalay dagaal culus kula galay kooxda Shabaab Deegaanka Masjidka_Cali_Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Gudoomiyaha G. Banaadir ayaa xalay ku booqday Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dhaawacyada Ciidamo shalay dagaal culus kula galay kooxda Shabaab Deegaanka Masjidka_Cali_Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku booqday Isbitaalka Ciidanka xoogga Dhaawacyada Ciidamo dagaal culus kula galay Ururka Al-Shabaab degaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay xaalada Caafimaad dhaawacyo horey loogu keenay Gobolka Hiiraan oo ku jira Isbitaalka Digfeer. waxaana uu eebe ugu baryay dhamaan dhaawacyada kusoo waxyeeloobay Howlgalada dalka looga saarayo Al-Shabaab in uu caafimaad deg deg ah siiyo, Asigoona xusay in ay garab taagan yihiin ciidamada kala gedisan ee Qalabka sida iyo Shacabka Dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana Ciidanka Qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka loogu xoreyn lahaa.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana jira dhaawacyo kale oo saacadaha soo socda la keeni doono Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com