Wacaal daray ah: Daacish oo  sheegatay Itoobiyaankii lagu dilay xalay magaalada  Bosaaso

HomeWararka

Wacaal daray ah: Daacish oo sheegatay Itoobiyaankii lagu dilay xalay magaalada Bosaaso

Kooxda Daacish ee ku dhumaalaysanaya  Buuralayda Golis ee gobolka Bari ,ayaa sheegatay mas,uuliyada dilkii loo gaystay xalay  Afartan qof  oo Itoobiya

GAROWE: Afar qof oo ay ku qaraxday Kiimiko oo la dhigay Isbitaalka dowladda (daawo)
Madaxweynaha Hiirshabeele oo Magacabay taliye ku xigeenka Ciidankiisa
Warkii Fiidnimo & Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)

Kooxda Daacish ee ku dhumaalaysanaya  Buuralayda Golis ee gobolka Bari ,ayaa sheegatay mas,uuliyada dilkii loo gaystay xalay  Afartan qof  oo Itoobiyaanka ah.

 

War qoraal ah oo ay ku baahiyeen  kooxda Daacish bartooda internertka ee Amaq News, ayay ku sheegeen in xubno  ka tirsan kooxdooda oo Baastoolado ku hubaysan ay dileen 4 nin oo Itoobiyaan ah, halka markii hore la sheegay in dadka ladilay ay ahaayeen Oromo .

 

Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa ku daba jooga kooxdii dilka gaystay , waxaana maanta ilaa xalay howlgalkii socday lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay in ay ahaayeen ragii weerarka soo qaaday.

 

Amniga magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay waxa uu ahaa mid sii xumaanayaya , waxaana dhowr jeer oo hore  lagu dilay magaalada dad isgu jira  Askar , Ganacsato, iyo Dhalinyaro  ka qalin jabisay jaamacadaha ku yalaa magaalada Bosaaso.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in dilalkaasi dhacay loo soo qabtay qaar kamid ah dadkii dilkaasi fuliyay  kuwaas oo dhawaan  Maxkamada la soo taagi doono , halka kuwo kalena lagu daba joog.

Diiwaanka warkan radio Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: