Madaxweynaha Puntland oo Daah Furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariihdu tahay 2 October 2018 xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka daah furay qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka, xeerkaas oo ah xeer ladhaqan galiyey 1966.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey daah furkan qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeha koobaad ee golha wakiilada Dowladda Puntland, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo kan gobolka Nugaal iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

daahfurka qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa looga doodayey qaabka looga faaidaysan karo iyo waxtarka uu leeyahy waxayna dhamaan masuuliyiintiika hadlay madasha daahfurka isku raaceen in xeerkan uu yahay mid wax badan ka badalay dhaqaalaha Dowladda Puntland, adkeenayana nidaamka canshuuris qaadista.

Madaxweynah Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima uu dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha daahfurka  ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Dhab baan idin salamayaa dhamaantiin waana ku faraxsanahay inaan kasoo qayb galno xafladan daahfurka dhaqan galinta canshuurta wasaarada maaliyada iyo intii sooqaban qaabisay way ku mahadsan yihiin waxaan kufaraxsanhay oo kale in badan oo ah wax gardkii iyo hay’adihii ku shaqada lahaa dhaqan galinta xeerkan inaad halkaan fadhidaan, sababta la idinkugu yeerayna waxaa weeye  in la hirgaliyo canshuurtan runtii in mar hare la dhaqan galiyo ayeey ahayd waana wax loo baahnaa in horey loo sameeyo dabcan aysan suurta galin hada ka hor, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

 

Ugu danbeyn, Madaxweynah Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in waxa muhiimka ah ee loo baahanyaahay in la ogaado in ay tahay si dalakaan uu isku filnaasho u gaaro in la ogaado in Dowladnimo oo dhan ay tahay in cashuurta qofka ku waajibtay in la bixiyo.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAN.

Sawiro.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com