Kooxda Daacish ee ku dhumaalaysanaya  Buuralayda Golis ee gobolka Bari ,ayaa sheegatay mas,uuliyada dilkii loo gaystay xalay  Afartan qof  oo Itoobiyaanka ah.

 

War qoraal ah oo ay ku baahiyeen  kooxda Daacish bartooda internertka ee Amaq News, ayay ku sheegeen in xubno  ka tirsan kooxdooda oo Baastoolado ku hubaysan ay dileen 4 nin oo Itoobiyaan ah, halka markii hore la sheegay in dadka ladilay ay ahaayeen Oromo .

 

Ciidamada amniga ee gobolka bari ayaa ku daba jooga kooxdii dilka gaystay , waxaana maanta ilaa xalay howlgalkii socday lagu soo qab qabtay dad looga shakisan yahay in ay ahaayeen ragii weerarka soo qaaday.

 

Amniga magaalada Bosaaso ayaa maalmihii udambeeyay waxa uu ahaa mid sii xumaanayaya , waxaana dhowr jeer oo hore  lagu dilay magaalada dad isgu jira  Askar , Ganacsato, iyo Dhalinyaro  ka qalin jabisay jaamacadaha ku yalaa magaalada Bosaaso.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in dilalkaasi dhacay loo soo qabtay qaar kamid ah dadkii dilkaasi fuliyay  kuwaas oo dhawaan  Maxkamada la soo taagi doono , halka kuwo kalena lagu daba joog.

Diiwaanka warkan radio Daljir.com

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *