Cumar Cabdirashiid: “Waxaan  ka digayaa heshiiska amni ee u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Somali”

HomeWararka

Cumar Cabdirashiid: “Waxaan ka digayaa heshiiska amni ee u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Somali”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo qoral kooban soo dhigay bartiisa Twtterka ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac o

Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Muqdisho
Caawa & Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo, Dhuusamareeb (dhegayso)
Dibadbaxyaal xirtay waddooyin ka mid ah Muqdisho (sawiro)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo qoral kooban soo dhigay bartiisa Twtterka ayaa ka digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo u dhaxeeya Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.

Waxaa uu sheegay inay noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.

Ra’iisul Waaaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maalmo ka hor safar ku tagay Asmara, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki oo wajahaya cambaareyn caalami ah iyo eedeymo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaddib markii Ciidanka Eritrea ka qeyb galeen dagaalka Tigray.

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa xulufo dhow ah, waxaana dhowr jeer shirar saddex geesood ku yeesheen Asmara iyo Addis Ababa oo ay ku saxiixeen heshiis is dhex gal iyo wax wada qabsi.

Akhriso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: