Madaxweynaha Puntland & safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay Muqdisho

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland & safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo Kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay Safiirka Jabuuti ee fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan. Kulank

Madaxweyne Gaas oo Amanay dhalinyaro dalkooda maalgashtay (Dhegayso/Sawiro)
Warka Fiidnimo iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay Safiirka Jabuuti ee fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Danjire Aadan ayaa waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya marayo gaar ahaan arrimaha doorashada ee khilaafka uu taagan yahay.

Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan ayaa Madaxweynaha Puntland u sheegay in muhiim ay tahay in heshiis laga gaaro khilaafka ka jira qabsoomida doorashada dhaceysa, isla markaana wax kasta lagu dhameeyo wada-hadal.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamo kala duwan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo Musharaxiin, isagoo kala hadlay doorashada iyo Arrimo kale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: