Congo  iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya arimaha diblomaasiyada labada dal, Amniga, Dhaqaalaha, Ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada

HomeWararka

Congo iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya arimaha diblomaasiyada labada dal, Amniga, Dhaqaalaha, Ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda

Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.
Shil gaari oo ka dhacay duleedka barri ee Magaalada Gabiley
Golaha deegaanka laascaanood magaalada waxaa ku socta duqeyn aan loo meel dayin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kinshaasa ee caasimadda dalka Koongo halkaas oo booqasho labo maalmood ah ay uga bilaabantay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay garoonka caalamiga ah ee Injiili ee dalka Koongo madaxda dalkaas oo muujinayey mudnaanta ay siinayaan kobcinta xiriirka labo geesoodka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma kor u qaadidda iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal iyo midka heer qaaradeed ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ciribtirka fakhriga iyo xagjirnimada.

Diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta ay ku sugan yihiin Koongo waxa ay kulan-doceedyo la qaadan doonaan dhiggooda dalkaas iyo Madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: