Shil gaari oo ka dhacay duleedka barri ee Magaalada Gabiley

Shil gaari oo ka dhacay duleedka  barri ee Magaalada Gabiley

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen Shil Gaari oo Maanta ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Gibiley ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari Caasi ama HOMAY ah oo ay Shirkad leedahay, waxaana dadkii ku dhaawacmay shilkaasi la geeyay Isbitaalka Magaalada Gabiley si loogu daaweeyo.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Waddooyinka ee Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo u gurmaday dadka dhaawaca ah, sidoo kalena xiray wadihii Gaariga Shilka galay.

Degaannada Somaliland ayaa waxaa aad ugu badan Shilalka gaari, taas oo loo aaneynayo darawalada oo si xowli ah u wada Gawaarida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com