Ciyaartow ka tirsan xulka qaranka Jabbuuti oo iska dhiibey dalka Faransiiska

Ciyaartow ka tirsan xulka qaranka Jabbuuti oo iska dhiibey dalka Faransiiska

Ciyaartoy ka tirsan xulka qaranka Jabbuuti ayaa iska dhiibey maanta dalka Faransiiska iyagoo muddo todobaad ah ay ku sugnaayeen Paris.

Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xidhiidhka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco.

Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah.

Hey’ad u doodo arrimaha xuququul insaanka oo caawineysay ciyaartooyda ayaa ka cabsi qabtaa in la xidho haddii ay ku laabtaan Jabbuuti, kaddib guuldarro ay kala kulmeen ciyaartowda Algeria.

Ciyaartooyda kala ah Bilaal Xasan iyo Abuubakar Cilmi oo u shaqeeya dowladda Jabbuuti ayaa kaalinta 182’aad kaga jirta ururka kubadda cagta adduunka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com