MUQDISHO: Cabdi Xaashi  & Mahdi Guuleed oo si wada jir ah usoo gudbiyay Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

HomeWararka

MUQDISHO: Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed oo si wada jir ah usoo gudbiyay Liiska Xildhibaanada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta waxaa ay siw

Warka Arooryo iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Kulan la Qaatay Madaxweynaha Ugaandha Maxay Kawadda Hadleen ?
Xildhibaan Mursal Maxamed Cabdi & siddu u arko dhaarintiisii maanta

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Maanta waxaa ay siwadajir ah u soo saareen liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Soonaliland.

liiska oo ka kooban 11 kursi ee Gobolada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare ayaa waxaa kujira Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleeymaan iyo Xubno kale.

liiska Musharixiinta Aqalka Sare oo ay Maanta soo saareen Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ay kujiraan 7 Haween ah ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Kursiga labaad
1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane)
2. Baashe Maxamed Ismaaciil

Kursiga Saddexad
1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi

Kursiga Afaraad
1. Deeqa Xasan Xuseen
2. Hodan Abokor Xasan

Kursiga Shanaad
1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari
2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Kursiga lixaad
1. Bilaal Idiris Cabdillaahi
2. Saynab Axmed Boqore

Kursiga todobaad
1. Saalax Axmed Jaamac
2. Iraahim lidle Saleebaan

Kursiga Sideedaad
1. Siciid Cabdi Xuseen
2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed

Kursiga 9aad
1. Cabdirisaaq Axmed Cali
2. Xasan Cabdi Gaas
3. Axmed Maxamed Siciid

Kursiga tobanaad
1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan

Kursiga 11aad
1. Muna Cumar Xasan
2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud ( Gadhweyne)
3. Sucaad Xasan Maxamed.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Muqdisho ay ka bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: