Isku-day Afgembi oo ka dhacay dalka Sudan oo Fashilmay

Isku-day Afgembi oo ka dhacay dalka Sudan oo Fashilmay

Warbaahinta Maxaliga ee dalka Suudaan ayaa sheegay inay Koox ka tirsan Milliteriga dalkaasi isku dayeen inay Talada dalkaasi la wareegaan.

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi Suudaan Qorsal ayaa soo dhigay Bartiisa Facebook in dadka Reer Sudan uu ugu baaqayo inay isku soo baxaan, si ay u difaacaan dalka iyo inay badbaadiyaan Xilliga Ku-meel-gaarka.

War haatan ka soo baxa Golaha haya Talada dalkaasi ee TSC ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen Isku-dayga Afgembiga, isla markaana ay iyaga si buuxda gacanta ugu hayaa Talada dalka.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay Isku-dayga Afgembiga fashilmay iyo Saraakiisha hoggaaminaysay Hawlgalka Afgembiga fashilmay.

Labo Taangi iyo ciiddamo hubeysan ayaa la sheegay inay u soo jiheysteen Buundada Qadiimiga ee Ondurmaam, una dhow Dhismaha Barlamaanka dalkaasi.

Ciiddankii Afgembiga waday waxaa la sheegay inay Hawada ka saareen “Radio Omdurman”.

Dhinaca kale, Telefishinka Dowladda Sudan ayaa baahiyey inay Dowladda gacanta ku hayso Awooda dalka, isla markaana la fashiliyey Isku-dayga Afgembiga la Fashiliyey.

Xaalladda dalkaasl ayaan caadi ahayn, waxaana la arkayaa ciiddamo iyo Gaadiidka Dagaalka oo la soo dhigay Xarumaha muhiimka iyo Waddooyinka ku hareeraysan Xarumaha Dowladda iyo kuwa Ciiddanka.

Ma kala cadda Kooxda Afgembiga sameeyey iyo halka ay Taageerada ka heleen, hadday noqon lahayd Gudaha Sudan ama dalalka deriska la ah Sudan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com