Ciidanka Mareykanka ee kusugan Garoonka Kabul oo digniin soo saaray

Ciidanka Mareykanka ee kusugan Garoonka Kabul oo digniin soo saaray

Dowlada Mareykanka ayaa waxa uu muwaadiniintiisa uga digay inay ka fogaadaan garoonka diyaarahada ee Kabul xilli uu jahawareerku weli ka taagan yahay bannaanka hore ee garoonkaasi

Digniin amni oo soo baxday Sabtidii ayuu Mareykanku ku sheegay in muwaadiniintiisa aanay iman garoonka sababo la xiriira “suuragalnimada halis amni oo ka dhacda albaabada garoonka.

Dadka ay wakiillada dowladda Mareykanka u sheegaan inay garoonka tagaan oo kaliya ayey tahay inay safarkaasi galaan, ayaa farriinta lagu sheegay.

Talada ayaa waxa ay imanaysaa xilli kumannaan qof oo iskudayaya inay isaga baxsadaan Afgaanistaan ay isugu soo aruureen garoonka diyaaraha kaddib markii ay dalkaas la wareegeen ururka Taalibaan.

Ururkaasi hubaysan ayaa la wareegay dalka oo dhan waxa ayna qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, 15-kii bishan Agoosto. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna tobannaan kun oo u dhalatay Afgaanistaan – iyo weliba dalal ajaanib ah – ayaa waxa ay soo aadeen garoonka diyaaradaha si ay dalkaasi isaga baxsadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com