Shir looga hadlaayay Arrimaha Shidaalka Soomaliya oo ku qabsoomay  habka fogaan araga ee internetka

HomeWararka

Shir looga hadlaayay Arrimaha Shidaalka Soomaliya oo ku qabsoomay habka fogaan araga ee internetka

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta dowlada Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay shidaalka Sooma

DFS oo ka hadashay inay Shabaab joojiyeen Dhismaha Garoonka Stadium Muqdisho.(Daawo)
Maxay kawada hadleen James Swan & Muuse Biixi
Saaka & Dunida iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta dowlada Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay shidaalka Soomaaliya ee ku jira badda.

Shirkan oo lagu qabtay habka fogaan araga ee internetka, waxaa soo qaban qaabiyay Hay’ada Friends of the Horn Foundation, waxana looga dooday aragtiyo iyo Hanaanka ugu wanaagsan ee looga Faa’iideysan karo kheyraadkaas.

Sidookale Shirka ayaa waxaa Warbixinno iyo Macluumaad kala duwan ka bixiyeen khubaradii ka qeybgalay iyagoo ka dhageystay ka qeyb gaalayaasha oo ay kujiraan mas’uuliyiinta ka socda dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cel celisay in Soomaaliya Shidaal farabadan meelo kamid ah uu kujiro, waxaana tartan la geliyay Shirkado doonaya inay shidaal ka qotaan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: