AMISOM oo qiratay in dadkii ay ku dileen Golweyn ay ahaayeen dad rayid ah

AMISOM oo qiratay in dadkii ay ku dileen Golweyn ay ahaayeen dad rayid ah

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qirtay in ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku dileen deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay AMISOM ayaa lagu baahiyay in baaritaano ay sameeyeen ay soo gabagabeyn doonaan horaanta bisha soo socota balse haatan ay si hordhac ah ay ugu ogaadeen in dadka lagu diley weerarka ka dhacay Golweyn ay ahaayeen dad rayid ah.

Qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in ay baarayaan in ciidamadooda mas’uul ka ahaayeen dhimashada toddobadaas qof, isla markaana ay la kulmeen markii ay dhacdadu dhacday odayaasha, xubnaha bulshada iyo saraakiisha dowladda, una caddeeyeen inaysan raali ka noqon doonin falal dambiyeedyada ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ay askartooda geystaan, ayna u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay gartaan oo ciqaabaan kuwa jebiya xeerarka hawlgelinta.

AMISOM waxay sheegtay in ay u hoggaansami doonto natiijada baaritaanka haatan billaabanaya isla markaana lala xisaabtami doono askarta ay ku caddaato dilka dadkaasi rayidka ah.

11-kii bishan ayaa AMISOM waxay sheegtay “in ay soo gaareen warar sheegaya in Golweyn ay ku dhinteen dad rayid ah kaddib markii ciidamo ka socday AMISON lagu weeraray inta u dhaxeysa Beled-Aamiin iyo Golweyn.”

10-kii bishan ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay waddada u galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab, halkaasina uu dagaal culus ka dhacay.

Warkan ka soo baxay AMISOM ayaa imaanaya kadib markii ra’iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu sheegay in dhacdadaasi loo saaray guddi wasiirro ah oo maanta oo kulamo la qaadan doono safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya iyo xubno ka tirsan ciidamada AMISOM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com