Ciidanka Kenya oo baadi goobaya Rag katirsan Alshabaab

HomeWararka

Ciidanka Kenya oo baadi goobaya Rag katirsan Alshabaab

Booliska Dalka Kenya ayaa degaannada Xeebta ah iyo Gobollada kale ka baadi goobaya xubnaha lagu tuhmayo in AL-shabaab auy ka caawiyaan qorashada dhall

Xaaf, Madaxweynaha Dooran ee Galmudug, ‘Ahlusunna Maamulkayga Qayb bay ka Noqon doontaa’
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Dibadbaxyo rabshado watay oo markale ka qarxay magaalada Baydhabo

Booliska Dalka Kenya ayaa degaannada Xeebta ah iyo Gobollada kale ka baadi goobaya xubnaha lagu tuhmayo in AL-shabaab auy ka caawiyaan qorashada dhallinyarada u dagaallanta .

Kilifi iyo Lamu,waxaa dhawaan dib loogu celiyay 13 dhallinyaro ah oo ciidanka Difaaca Kenya ay sheegteen in ay xoog uga furteen AL-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku tababarayeen degaanka Raaskampooni ee Gobolka Jubada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Kilifi,Magu Mutindika ayaa sheegay in labo ka mid ah Dadka Al-shabaab u qora dhallinyarada ay degganyihiin Kilifi iyo Lamu halka mid saddexaadna faah faahintiisa lagu daba jiro.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Dadka dhallinyarada u qora Al-shabaab uu yahay kalluumeysato deggan degaanka Marereni,kaas oo dhallinyarada marka hore siiya lacag dhan 5,000 oo shilinka Kenya ah,una ballan qaada shaqo dhinaca kalluumeysiga ah kaddibna ku wareejiya Al-shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: