AMISOM oo sheegtay inay ku adkaanayso dagaalka lagula jiro Alshabaab

AMISOM oo sheegtay inay ku adkaanayso dagaalka lagula jiro Alshabaab

Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega oo Suxufiyiinta kula hadlay Hotel ku yaalla magaalladda Muqdisho, waxa u utilmaamay inay Awoodii Alshabaab hoos u dhigeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyey inay weli cabsi ku hayaan Ammaanka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab isticmaalaan miinooyinka IEDs iyo inay geystaan Weeraro, isla markaana ay caqabad weyn noqdeen, tan iyo markii ay ku dhex milmeen dadka rayidka.

Afhayeenka waxa uu carrabka ku dhuftay inay AMISOM ku adag tahay sidii ay Alshabaab.kula dagaalami lahaayeen.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, G/sare Richard Nyabuti Omwega waxa uu ka hadlay Qorshaha Daad-gureynta Ciiddanka AMISOM, wuxuuna xusay in Dowlad kasta oo ay Ciiddamo ka joogaan Somalia looga baahan yahay inay tirada Ciiddankooda yareeyaan sannadka 2021-ka, xilligaasi oo Ciiddanka AMISOM si kama-dambays ah looga daad-gureyn doono Somalia.
Waxa uu tilmaamay in Xilli-hawleedka AMISOM dhamaan doono sannadka 2021-ka, sida ku cad Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee uu tirsigiisu ahaa 2372.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    POLITICAL ANALYST.
    WARKAASI WAA (IIDHEH)
    AMISOM+ALSHABAB+UNSOM=ONE.
    AMISOM WAXAA DHAQAALAHA KU SIIYA SOMALIYA KUWII HORAY U BURBURIYEY SOMALIYA HADEERNA AMISOM KULA BALAMAY UJEEDOOYINKOODA KALIYA INAY U FULIYAAN. SIDAA DARTED AMISOM DAN SOMALIYED UMA JOOGO DALKA.
    12SANO AMISOM MUQDISHO BAY FADHIYA OO INTAAS QARAXYO KA DHACAYA AAN.
    FIIRO Gaara:-
    DABCAN AMISOM,UNSOM & SIRDOONADA FADHIYA XALANE QARAXYADA QAAR LUG BAY KU LEEYIHIIN SIDA (QARAXII ZOOBE 14/10/17.)
    TOILET PAPER
    ALL MOVE.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com