Site icon Radio Daljir

Ciidanka Kenya oo baadi goobaya Rag katirsan Alshabaab

Booliska Dalka Kenya ayaa degaannada Xeebta ah iyo Gobollada kale ka baadi goobaya xubnaha lagu tuhmayo in AL-shabaab auy ka caawiyaan qorashada dhallinyarada u dagaallanta .

Kilifi iyo Lamu,waxaa dhawaan dib loogu celiyay 13 dhallinyaro ah oo ciidanka Difaaca Kenya ay sheegteen in ay xoog uga furteen AL-shabaab kuwaas oo ay sheegeen in ay ku tababarayeen degaanka Raaskampooni ee Gobolka Jubada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Kilifi,Magu Mutindika ayaa sheegay in labo ka mid ah Dadka Al-shabaab u qora dhallinyarada ay degganyihiin Kilifi iyo Lamu halka mid saddexaadna faah faahintiisa lagu daba jiro.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah Dadka dhallinyarada u qora Al-shabaab uu yahay kalluumeysato deggan degaanka Marereni,kaas oo dhallinyarada marka hore siiya lacag dhan 5,000 oo shilinka Kenya ah,una ballan qaada shaqo dhinaca kalluumeysiga ah kaddibna ku wareejiya Al-shabaab.

Exit mobile version