Ciidamo kasocda AMISOM oo ku wajahan Dhuusomareeb

HomeWararka

Ciidamo kasocda AMISOM oo ku wajahan Dhuusomareeb

Ciidamo kasocda AMISOM ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay u xaqiijiyaan ammaan

Ciidanka dowladda oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose
Farmaajo oo qaabilay u qeybsanaha QM ee Arrimaha Howlgalada
9 askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo xaalad karantiil la geliyay

Ciidamo kasocda AMISOM ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay u xaqiijiyaan ammaanka, sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay ujeedka ciidamada ay u tagayaan Dhuusomareeb inay qayb ka tahay sugidda ammaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab, iyadoona tani ay qayb ka tahay socdaalka madaxwaynaha Soomaaliya ee uu ku tagi doono Galmudug.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu shalay gaaray, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey bulshada magaalada Gaalkacyo.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: