Site icon Radio Daljir

Ciidamo kasocda AMISOM oo ku wajahan Dhuusomareeb

Ciidamo kasocda AMISOM ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ay u xaqiijiyaan ammaanka, sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay ujeedka ciidamada ay u tagayaan Dhuusomareeb inay qayb ka tahay sugidda ammaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab, iyadoona tani ay qayb ka tahay socdaalka madaxwaynaha Soomaaliya ee uu ku tagi doono Galmudug.

Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo uu shalay gaaray, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey bulshada magaalada Gaalkacyo.

 

Exit mobile version