HomeUncategorized

Ciidamo ka wada tirsan Khaatumo oo maanta ku dagaalamay tuulada God-qaboobe ee Sool (Dhegeyso)

God-qaboobe, November 27, 2013 - Barqadii maanta waxaa dagaal wakhti qaatay uu ku dhex-maray tuulada God-qaboobe ee gobolka Sool garabyo ka tirsan maamulka Khaatumo oo halkaas isugu tegay.

Puntland oo looga dabaaldegay sanadguuradeedii 11-aad ee dhismaha Puntland. [Akhris …]
Maggaaladda Buuhoodle oo lagga xusay maalinta Qashinka 18-Bisha’May
Dhegeyso:Waraysi ku saabsan Arrimaha M/weyne Obama u joogo Dalka Kenya

God-qaboobe, November 27, 2013 – Barqadii maanta waxaa dagaal wakhti qaatay uu ku dhex-maray tuulada God-qaboobe ee gobolka Sool garabyo ka tirsan maamulka Khaatumo oo halkaas isugu tegay.

Waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in ciidamo ka yimi Buuhoodle oo ku socday Taleex iyo ciidamo jooga duleedka God-qaboobe uu dagaalku dhexmaray.

Dagaalka ayaa haatan qaboobay, waxaana wararka aan helayno ay sheegayaan in ciidamadii ka yimi degmada Buuhoodle ay haatan u ruqaansadeen dhanka degmada Taleex, halkaas oo la filayo uu ka dhaco shirkii Khaatumo.

Caaqil Cabdisalaan Muuse deri oo ka mid ah waxgaradka deegaanka ayaa radio daljir u xaqiijiyey in dagaalku dhacay, balse aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka uu mudo kooban socday.

Garab ka mid ah ciidamadii maanta dagaalku dhexmay ayaa haatan la soo sheegayaa in ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Taleex iyagoo gaashaaman.

Ggobolka Sool in mudo ahba waxaa ka jirtay xiisad u dhexeysa beelaha oo ka dhalatay siyaasaddo is diidan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Suldaan Cabdisalaan Muuse deri oo u waramay Jamaal Faarax oo daljir ka tirsan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: