
Buuhoodle:18-May’ Degmada Buuhoodle ee xarunta g/Cayn ayaa maanta laga xusay 18 May oo ku beegan maalinta Qashin aruurinta goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, taasoo sanad kasta ay xusaan dadka dega Sadexdaas Gobol.
Jidadka dhexmara degmada Buuhoodle ayaa maanta lagu arkayey dad badiillooyin iyo weliba agabyada kale ee qashinka lagu qaado gamcaha kuwata , kuwaas oo muujinayey dareenka maalinta 18-ka bisha May ay u leedahay dadka gobolada la isku yiraahdo SSC.
Dhinaca kale Maalinta 18-ka bisha May waxa ay ku beegantahay xilligii maamulka Soomaaliland uu ku dhawaaqay in uu ka go’ay dalka Soomaaliya intiisa kale, waxaana goboladaas maanta laga xusay 22 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ku dhawaaqeen gooni isku taaggooda.
C/Xassan Rooble Awoowe
Radio Daljir Somalia
FAALLOOYIN & FALCELIN