Ciidamo Itoobiya iyo maleeshiyada Macawiisley oo ku dagaalamay Hiiraan

HomeWararka

Ciidamo Itoobiya iyo maleeshiyada Macawiisley oo ku dagaalamay Hiiraan

Tuulada Af Qurun oo qiyaastii 48KM u jirta deegaanka Far Libaax ee gobolka Hiiraan waxaa ku dagaalamay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyada hubeysan

QORILEY: WADAHADAL baa Nabad lagu Hiigsadaa; Iskutashi baana Hormar Horseeda (Taxanaha 6aad)
WASIIR HORE JUXA: “FARMAAJO WAXA UU AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB”
War Murtiyeed laga soo saaray Shir Madaxeedka IGAD (Akhriso)

Tuulada Af Qurun oo qiyaastii 48KM u jirta deegaanka Far Libaax ee gobolka Hiiraan waxaa ku dagaalamay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo gudbay xadka u dhaxeeya Gobolada Bakool iyo Hiiraan ay ku soo dhaceen fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Macawiisley.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ku bilowday kala shaki, markii ciidanka Itoobiya ay soo galeen goobo ay difaac uga jireen Maleeshiyada Macawiisleyda.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaatay saacado uu labada dhinac ku dhex maray tuulada, waxaana la sheegayaa inay ku dhinteen in ka badan tobaneeyo ruux oo labada dhinac isugu jira, halka kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay ka soo bexeen degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyagoo ku soo wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, si ay ugu gudbaan xadka Itoobiya.

Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano macawiisley ayaa ka howlgasha qeybo ka mid ah gobolada Hiiraan iyo Bakool oo ay kula dagaalameen Al-Shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: