HomeUncategorized

Ciidamo garaya 500 oo Askari oo tabaar loogu soo xiray magaalada Baladwayne

Baladwayne 01 April 2013 Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaasi Maanta Tababarro Loogu soo gaba gabeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

DHEGEYSO-Wasiirka waxbarashada oo ka warbixiyey safar uu kutegey Nugaal Karkaar iyo Bari.
Wasaaradda qorshaynta Puntland oo soo bandhigtay wax-qabadkeedii 6-dii bilood ee tagay, iclaamisayna tallaabooyinka u qorshaysan hadda.
?Issimada Puntland oo baaq nabadeed u diray ardaayada Igdhays/Ufayn.

Baladwayne 01 April 2013 Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaaladaasi Maanta Tababarro Loogu soo gaba gabeeyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamadan oo Gaarayo 500 oo Askari ayaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM waxa ay Muddo 3 Bilood ah? tababar ku siinayeen Xerada Lama Galaay ee Magaalada Baladweyne.

Saraakiil ka tirsan AMISOM ?ayaa sheegay in ay tababarro u soo gaba gabeeyeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo Lagu wado in ay La wareegaan deegaanno iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ka arrimiyaan Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Baladweyne ayaa dhowr Jeer tababarro u fidiyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ka howl gobolada koonfureed ee Dalka Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

(C X)

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: