HomeUncategorized

Ciidamo gadood ah oo badalay jawiga magaalada Beled-xaawo

Beled-xaawo 23 May-ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Beladxaawo ee Gobalka Gedo ayaa gadood ay sameeyeen waxa uu saameeyey dhaq dhaqaaqii magaalada iyo isgaarsiinta, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha saldhigga dhexe ee degmada baledxaawo Cabbey Joon.

Boqor Cabdallaha Saudi Arabia oo shaqadii ka eryey nin muxaafid ah oo la taliye u ahaa Golahha Wazaaradda
Doorashada aqalka hoose oo Garoowe weli ka socota iyo xildhibaano la doortay.
Bankiga Hormarinta Islaamka oo dawooyin ugu deeqay isbitaalka Bosaaso (Sawiro)

Beled-xaawo 23 May-ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degmada Beladxaawo ee Gobalka Gedo ayaa gadood ay sameeyeen waxa uu saameeyey dhaq dhaqaaqii magaalada iyo isgaarsiinta, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha saldhigga dhexe ee degmada baledxaawo Cabbey Joon.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka dawladda oo awel ku sugnaa meel ka yara baxsan degmada balad-xaawo ay shalay gudaha usoo galeen degmada iyagoo careysan, kuwaas oo sheegay in la musuqmaasuqay mushahaaraadkoodii muddo dhawr bilood ah, wuxuuna intaas ku daray in muddo ka badan 5 saacadood ay hawada ka saareen isgaarsiinta magaalada, sidoo kalena ay qal qal geliyeen dadkii magaalada joogay,

Taliyaha ayaa sheegay in ugu dambeyn ciidanku ay magaalada isaga bexeen, kadib markii loo balanqaaday xuquuqday sheeganayeen, magaaladuna ay caadigeedii kusoo noqotay.

gadoodka ciidanka dawladda ee degmada baled-xaawo ayaa yimid kadib markii maalmahaan ay mushaar qeybin ciidan ka socotay degmooyin ka mid ah gobolka gedo, iyadoo la sheegayo in dhawr bilood aan mushaar la siin ciidanka dawladda ee gobolkaas ku sugan.

Idle Moallim Omar?

Radio Daljir Somalia

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: