Bankiga Hormarinta Islaamka oo dawooyin ugu deeqay isbitaalka Bosaaso (Sawiro)

Bossaso, Jan 19 – Bankiga hormarinta Islaamka ayaa maanta deeq dawo soo gaarsiiyay isbitaalka guud ee Bosaso, waxaa deeqdan ay qayb ka tahay dawooyiin bankiga uu ka qaybiyay isbitaalada waawayn ee Puntland sida Garowe iyo Gaalkacyo.

C/risaaq Cali Xuseen oo ka tirsan hay?adda wadaniga ee CORD oo lasoo marsiiyay deeqda dawada ah ayaa sheegay dawooyinka inay isugu jiraan Fitamiino, gargaarka degdega iyo kuwa kale bulshada sida aadka ugu baahanyihiin.

Cadawi Taqi oo katirsan madaxda bankiga hormarinta islaamka ayaa sheegay dawooyinka in loogu talagalay walaalaha Soomaaliyeed , waxaana uu intaasi ku daray dawooyinka inay ku kacayso lacag dhan 45- kun oo doolar.

Waxaa sidoo kale uu sheegay dawada inay maamuli doonto wasaaradda caafimaadka Puntland oo u qaybin doonto dadka baahiyaha qaba ee isugu jira agoomaha iyo xeryaha barakacayaasha oo iyaga aan awoodin dawooyinka inay iibsadaan.

Wasiir kuxigeenka caafimaadka dowladda Puntland Saynab Ugaas Yaasiin oo ka hadashay munaasbadda deeqda lagu wareejiyay wasaaradda ayaa hay?adda CORD iyo Bankiga Islaamka uga mahadcelisay gargaarka caafimaadka oo ay ugu deeqeen isbitaalka.

Waxaa ay balanqaaday in sida loogu talagalay ay u maarayn doonaan qaybinta deeqda dawada ah ee lasoo gaarsiiyay maanta isbitaalka Bosaso.

Deeqda ayaa la filayaa inay daboosho baahiyada dhinaca dawada oo ay qabaan dadka danyarta ee aan awoodin inay soo iibsadaan dawooyinka.

Diiwaanka wararka

Daljir Bossaso.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

?

Photo By: Axmed Somali

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com